Dashboard

XILALKA SOMALILAND - QABIILADA & MIISAANIYADA XAFIISKASTA MAAMULO 2023

5 min read

Warbixintan kooban waxaaynu ku eegi doona xilalka uu magacaabay Muuse Biixi sida loo qeybiyey, deegaan kasta iyo beel kasta tirada xilalka ay hayaan, miisaaniyada ay maamulaan iyo heerka muhiimada xilalka ay hayaan. Warbixintan waxay adeegsanayasa hannaanka u badelida xogta hannaan muqaal ah (Data visualization) si dadku u fahmi karaan xaqiiqoyinka dhabta ah ee ka jira Somaliland xilalka madaxweynuhu magacaabo. Xogtan waxa ay ka kooban tahay 273 xil oo Muuse Biixi magacaabay kuna soo saaray wareegto Madaxweyne reeraha uu kala siiyey, iyo miisaaniyada qaranka ee 2023 oo ka koban marka dollar loo badalo 315 million oo dollar reer kasta xafiisyada ay hayaan xadiga miisaaniyada ay maamulan, arrintan oo ah mid muhiim ah oo sawir fiican mujinaysa. Website-ka www.somaaldata.com Waxaad ka helaysa DASHBOARD si buuxda u muujinaya xilalka iyo miisaaniyada oo aad kolba dooran karto beesha aad rabto in aad ogaato ama aad is barbar dhigi karto labo beelood.