Investigative Journalism

WARBIXIN DHUL-BOOBKA HARGEYSA

5 min read
WARBIXIN DHUL-BOOBKA HARGEYSA

Bilihii u danbeeyey xukumada Muuse Biixi Cabdi waxa aay bilowday in ay iibiso intii yarayd ee ka hadhay dhulkii dawlada ee ku yaalay caasimada Somaliland ee Hargeisa.

Dhulka Dawalda ee Hargeysa ku yaala waa dhulkii Dawlada Ingriiska iyo dawladii Kacaanku u xadideen in dawladu yeelato isla markaana xafiisyada, xeryaha ciidamada , guryahaya ciidamada iyo shaqaalaha dawalda iyo mashaaricda dawladu degenaayeen.

Wakhtigan ay ku soo beegantay iibka dhulku waa wakhti kala guur ah, oo xukumadda uu dhammaaday wakhtigii la doortay ee shanta sano aha, iminkana ay ku jirto muddo korodhsi, cimrigeedana uu ka dhiman yahay hal sano oo kaliya.

Waxaa hada la iibiyey, ama iibkoodu socda ama qorshaysan in la iibiyo dhulkii danta guud ee koobana ee ku hadhsana Xaafadda Shacabka, Suuqa Dhexe iyo Xaafadaha konayaasha ee dhulkoodu qaaliga yahay.

Arrinkan socda ayaa ah mid xaalufin danta guud ah si aan xukumadaha danbe uba helin meel laga dhiso dhisme dan guud ah, goobaha la iibinaayo waxaa ku jira kuwa taariikhiya iyo kuwa dadweyne jilicsan degenaayeen.

Ganacsato waa weyn ayaa dhulkan intiisa badan laga iibinaya kuwaas oo xukumadu doonayso in ay dhaqaale ded deg ah ka samayso wakhtigan kala guurka ah, waxaana la sheegay in 10 dhul oo waa weyn hada dabka saaran yihiin, waxaana lagu qiyaasaya in lacag ku dhaw 100 million oo dollar-ka maraykanka ah ka soo xaroon doonto iibka dhulkan